Maxaad ku xasuusataa Sannadka sii dhamaanaya ee 2020 waa hubaal in Xasuusao badan ay maskaxdaada kusoo dhacayaan kuwo wanaagsan iyo wuo xunba balse Sannadk waxa waxa uu ahaa mid Saamayn isku mida iyo Xasuusataa Xanuun badan kulahaa dhaaamn bulshooyin Aduun.
Xasuusataa ugu wayn ee Malaayin Qof oo Aduunka kunooli aanay ilaabi doonin inta ay noolyiin waa Dadkii ehelka iyo Asxbaabta la ahaa ee ay ku waayeen Xauunka Dilaaga ah ee Corona.
Waxwalba Caadi ayay ahaayeen tan iyo intii kahoraysay bishii Labaad ee Sannadka sii dhamaanaya 2020 intii aanu Xanuunka Dilaaga ah kadilaaci Magaalo kutaala Dalka Shiinaha/ China oo Wuhan lagumagacaabo, Sicaadiya ayay Caruurtu u aadi jiray dugsiyada ay wax kubartaan.
Wakhtiga Fasaxyada ayay Waalidiinta iyo Caruurtoodu si wada jira u aadi jireen Goobha lagu nasto, Qoyska oo dhan ayaa kumi jiray marka ay jiraan Munaasibadaha gaarka ahi wax Caadiya ayayna ka ahayd Aduunka oo dhan.
Markaliya ayayse waxaas oo dha ismadalee , 1.5m ugu yaar u jirso qofkasta ood lakulanto, cidna hasalaamin, afka xxidho, Gacmaha maydh Dadka dhexdooda ha kuquficin hana kuhindhisin, suxulka afka saar marka ood Qufacdo ama hindhistlo jooji Bookhashada dadka aan ehelkaaga ahayn.
Iskuulada ayaa inana laxidhay waana in aad Guriga wax kubartaa hadiiba aad Awoodo balse Malaayin Caruurta Qoysaska Saboolka ah kasoo jeeda taas awood umaylahayn
Qoyska ayaa kala baxay waxana inta badan Gadoon Noqday Awoowo iyo Ayeeyo maadama Dadka waawayn Xanuunku sigaara udilo ama u beegsado.
Waxana halkaas Burburay isku xidhnaantii Qoyska , Aduunka oo dhana waxa laga bilaabay Dagaal lagula dagaalmayo Xanuunka Dilaaga ah ee Coronavirus. Qoloba si ayay ula dagaalantay balse waa loo maaro waayay .
Nasiibwanaag ugu Danbayntii hada oo lagu jiro dhamaadka Sannadka Mucjisda ahaa ee 2020 waxa soo baxday Wado talaal ah oo ay tahay in qofkasta oo Aduun kunool lagu mudo si Xanuunka Aduunka looga tirtiro, hada Dalalka Lacagta badan haystaa ayuu kabilawaday Talaalku inta uu Dalalka Saboolka ah soo gaadhay ee ay Somalia kujiro waa Sanooyin badan.
Xalka kaliya aynu isaga ilaalin karnaana waa in aynu Xoojino Nadaafada iyo in aynu yarayno kulmada dadka kale Afkana Xidhano.
Inkasta oo Sannadka 2020 uu ahaa mid Xasuuso adag reebay hadana waxa aynu Rajaynaynaa in kasoo socda 2021 uu noqdo mid inoo horseeda in aynu kaguulaysano Corona noqdana Sannad khayr Barwaaqo Nabad inoo leh.
Dhalankoriye Adiga iyo Qoskaaga waxa aan kuu rajaynayaa in aad Nabad
iyo Caafimaad kugaadho Sannadka 2021-
Dhawaan Daawo warbixinta oo Video+ Radio ah
All rights reserved dhalankoriye.com