Blog Post

 Xidhiidhka Hooyda  iyo Ilmaha!

  • By Dhalankoriye
  • 20 Dec, 2020

 waa Asaska Ilmo Farxad    iyo Daganaashiiyo  ku kora

Xidhiidhka hooyada  iyo  ilmu  waa mid kaqoto dheer inta aynu umalayno waxa  uu soo bilawdaa  kahor inta aanu ilmuhu Ifkaba  iman ee aanay Nolosha Aduunku ubilaabmin, Xidhiidhka  hooyada    iyo   Ilmuhu waa kan  ugu horeeya  ee Bilaadan dhexmara waa Xidhiidh  kadhexeeya Qof  Ifka   jooga iyo mid aan wali  iman   Xidhiidhkan ayaa leh Muhiida gaara   inta uu ilmu kujiro dhowrka  sanno ee Noloshiiga ugu Horeeya  iyo waliba   wakhtiga Barbaarinta dhexe.


 waa wax  Caadiya in Xidhiidka ilmaha iyo hooyadu   isbadalo  koriinka ilmaha  lajaanqada kuyimaado balse waa mid ay muhiim tahay ilaalintisu  Xata wakhtiga uu ilmuhu kujiro  Da,da  Dhalinyarinimo Xidhiidhka hooyada   iyo Ilmuhu waa mid  Udub dhexaad u ah  helitaanka Qoys Taabo gala.


 Sida Hooyo Caafimaad iyo Xasilooni haysataa ay  usoo Saari  karto Awlaad Caafimaad Qaba ayaynu ku Baran doona  Maqaalkan.

  • Marka  Ilmuhu ifka iyamada waxa  uu Toos  uhoryimaada Qof uu 9-ilaa 10 Bilood  ee Bilawgii Abuuritaankiisa Xidhiidh Lalahaa, waana Sababta uu Ilmu  marka uu dhasha  u yaqaano Codka,  Dabeecada  iyo Kolmba Xaalada ay Hooyadu kujirto Warwar Murgo  iyo Farax!  Waaxalad  u Soobartay  Mudadii uu Caloosha hooyadii kukorayay, Taas ayaana Sabab  u ah in Ilmu Qofka u ugu  kasloonyay marka uu Ifka Yimaado ay Hooydii tahay.
  • Bilawga  Nolosha Ilmaha  waxa  ay kubilaabanta Amiinad iyo Amaano Kalsooni kudhisan oo uu ilmuhu kuqabo hooyadii, Ilmaha Barbaarintiisa hore  Jacayl iyo Naxariis Lagu Barbaarsho  waxa  uu Noloshiisa Lakoraa  Aminaad Naxariis iyo Jacayl   uu Hooyadii uhayo taas  oo kasaacida in uu Mustaqbalka noqdo ilmo Baari u ah Hooyadi Aaminaad iyo Kalsoonina kuqaba
  • sikaduwan noolaha kale ee Xayawaanku kamidyay   waxa ilmuhu uu Wakhti dheer  kutiirsanada Xanaaanynta  Waalidkii taas oo kadhegaysa  Mid kamida Noola ugu wakhtiga dheer  ee  Caawin uga baahan Cid kale si uu Tartiib ugu Barbaaro, laga  bilaabo ilaa maalinta uu isku Filnaado Ilmu  Aaminaada  kaliya ee uu Noloshiisa inta  ugu Badan kuhaleeyo  waa Hooyada, waxkasta oo dhiba waxa  uu  uga  eed sheegtaa hooyadii Kalsoonida uu  kuqabaana waxa ay  kuxidhantay kolba sida ay  hooyadu wax uga Qabato Caqabada  uu ilmaheedu uga Cawdo.
  • Bisha  ugu Horaysa ee Dhalasha Noloshiisa waxa uu Ilmuhu  laqaata Hooyada 95% waxana  halkaas  kabilawda Xiidhka ugu  Adag ee  ilmu uu lasameeyo mid kamida Dadka Kunool Aduunka  uu kusoo biiray,  Taabashada, Hadal, Habsiin“ Lag-galin  iyo Qaadista ay hooyadu Ilmaheeda Qaadayso ayaa markale barta  Dabeecada  iyo Naxariista hooyanimo ee uu Ilmo Qaybo kamida Uurka hore ugusoo bartay inta kadhimana  waxa uu Bartaa Bisha ugu Horaysa Noloshiisa, wuxuna sifiican ugu dhugtaa dhamaan Ficilada Hooyada.


  • Sidee ayay Hooyo Caafimaad Qabtaa ugu Diyaar Garoobi kartaa Barbaarinta  Ilmo Guulaysta? 

waa wax  Caadiya  in Sannadka ugu Horeeya inta badan hooyadu kuqaadato Koolkoolinta Ilmaheeda  waana Xidhiidh Waalidnimo oo sidabiicaya  kuyimaada, inta badan waxa ay  Hooyadu ilmaheeda  ka gacansiisa marka uu wax Ubaahdo Sida Cunno Cabsi, Qaadis  Koolkoolin/ Caawin Laylis  Cunno usamayn  iyo wax Baris  kuwani waxa ay kamid yihiin waxyaabaha ay Hooyo kasta  kuusheegi karto hadii aad Waydiiso maxaad Ilmahaaga uqabataa, waana wax fiican  oo Ilmaha kacaawisa in uu helo Koritaan Kalsooni  iyo Aaminaad ku dhisan.

  Sidee ayay Hoyadu ugu Diyaar Garoobi  kartaa Marxaladaha   kale  ee Barbaarinta Ubadkeeda,  Sida Wakhtiga Baaluqa   Wakhtiga uu Qaangaadho  iskuna Muujiyo mid Awoodisa hada ku meel mari kara,  Dhamaan Marxaladaas oo dhami waxa ay Leeyiin Dabeecado  gaara  oo uu ilmu yeesha waxana ay ubaahantay in sigaara looxaliyo balse dhaman waxa ay  salka kuhayaan sidii aad  Barbaarintii Caruurnimo ee hore  kusoo bilawday, Hadii  Bilawgii hore Barbaarinta Ilmagaaha uu  ahaa Mid Jacayl  Naxariis  iyo Is“ixtiraam kusalaysnaa  waxa uu ilmahaagu, lakorayaa Xidhiidhka Wanaagsan ee idinka Kadhexeeyay tan iyo Bilawgii hore  ee Noloshiisa.

 Hooyada  iyo Ilmahaba   waajib ah in ay  Ixtiraama  Waajibaadka Guriga  iyo in ay Helaan   Goob nabood oo sisiman loogu wada noolyay iyada oon midna Xuquuqdiisa gaarka  ah lagu Xadgudbayn  waa in uu ilmu  Helaa Xoriyad Xadleh oo Tusi karta inuu lasimanyay Xubnaha  kale  ee Qoska isaga oon Xadkiisa katalabayn Goob uu kuciyaaro iyo lahaanshiiyada Gab uu isagu gaar u leeyay kana go,aan gaadhi karo sida uu ugu Ciyaarayo isaga  oo Xadkisa dhaafayn Taas waxa ay Hoyoda  iyo ilmahaba   Kacawisa in Bilawga hore ee Nolosha  ilmuhu Barto waxa uu Xaq  uleeyay iyo waxa   Xaqloogu leeyay. iyo Ganaaxa   uu  lakulmi karo hadii  uu Xadkiisa  katalabo  Waase Muhiim in aanu  ilmahaagu kuu Arkin  aad Xoog  kuhaysato.

  1. dhagayso ilmahaaga marka uu wax kuusheegayo  isagana Bar in uu kudhagaysto marka aad  wax  u sheegayso   wada  hadalku maaha oo kaliya in wax lays waydiiyo balse  waxa uu dhisaa Kalsoonida  waxana   ay Tusaysa ilmaha Ixtiraamka Walidkii uhayo, Sida  aad isaga u dhagaysato ayuu isna  kuudhagaysan marka aad lahadlaysid
  2.   kolba intii  aad Ixtiraam  iyo Qadarinta aad  ilmahaaga  tusto ayuu isna kutusi karaa, waa  Asaaska Qoys Is,ixtiraam iyo Qadarin kudhisan
  3. waa in aad  Ilmahaaga Bartaa in  uu jiro Xad aanu katalaabi karin, sidoo  kale  adna  aad Tustaa    in uu wax  dooran karo ama diidi karo,u ogoloow in uu waxdiidi karo  hana kuqasbin waxkasta oo uudiido sida hadii aanu rabin uun Ciyaaro ama   aanu rabin in uu hada   Qolkiisa  hagaajiso sii fursad kale uu uu markale kuqaban karo ,waxa ay  taasi ilmaha  tusaysaa in uu Doorasho leeyay.
  4. Hadalkaaga ku Adkayso  Balanqaadka aad Samayso  fuli  wixii aad Diidana dib hawga  ogolaan, si   uu ilmahaagu  u kala barto marka aad wax  diidantay iyo marke 
  5. U ogolow in uu  Khalad Sameeyo  xataa hadii uu mid kugu adagyahay   khaladkasta waxbaa laga bartaa  kudhiiri galin uu  khaladkiisa dib kasaxo hase kumaagin  in uu khalsameeyay markasta, U ogolow in uu Tijaabo waxyaabaha  aan Naftiisa, Diintiisa  iyo Dhaqankiisa  khatar ku ahayn  waxa  uu  kahelayaa waalo Aragnimo
  6. wakhti laqaado ilmahaaga inta uu yaryar  hadii uu gaadho wakhtiga  waxbarasha    waxaad waayi doonta wakhti kugu filan ood  ilmahaaga laqaadato Markasta oo wakhti  kuusamaxo ilmahaaga ka kadhawoow    waa Fursad  aad Sannado kooban haysato  oon Dib usoo laabanayn
  7. Hadii aad tahay Hooyo Ilmo  kalideed korsata  iskuday in Xidhiidhka  Ilmahaaga  iyo Aabahood   wanaagsanado  Markasta  oo ilmaha Labadiisa waalidmid Maqanyay  waxa Banaan Khaanad aanu  kan  kale u Buuxin karin
  8. Cafis  ilmahaaga haw ciqaabin khaladkasta oo uu galo  Cafi oo si degan ugala hadal  khaladka uu sameeyay ilmuhu  Dilka-   wax aan  baqdin ahayn kama qaado Khaladka  aad  Kacafido usheeg in aad  Cafiday    Sidegan  utus khaladka uusameeyay,  waxa ay siinaysaa  kalsooni ah in aanu ka  qarsan khaladka kuugalo ilmahaagu marka aanad  ogayn hadiise aad wax kasta ku Ciqaabto  Aaminada ayaa lumi  kumana sheegi doono.
  9. Wakhtiga  aad ilmahaaag lajoogto Isticmaal Eriyada Wanaagsan, Cay  Nacdal  Habaar  iyo Canaan ilmahaaga Agsiisa  kala dheerow.
  10. Ilmagaa  Xil iska saar in aad Barto Afkiisa Hooyo  Diintiisa   iyo Dhaqanka wanaagsan, Nadaafad  iyo  uu Waji fiican dadka  kula dhaqmo—


 HOOYO- Guulayso


 -Dhalankoriye.com—      Shabakada Barbaarinta  Ubadka,  iyo Dhiirigalinta Qoys  Guulaysta

 Talo  tusaale  Sixitaan,    iyo hadaad  hayso  maqaalo  wax kataraya Barbaarinta Ubadka Somaliyeed Fadlan  wadaa.

 Nalasoco Xidhiidh  Info@dhalankoriye.com



By d 04 Jan, 2021
Sheeko Caruureed Somali ah oo Cusub- Boqorada Ziraad- Q 10 Daawo Sheeko Caruureed Somali ah oo Cusub- Boqorada Ziraad- Q 10 Daawo
By dhalankoriye 04 Jan, 2021
Daawo Video Sheekada Rutha iyo Halgan waxbarasho ee ay kujirto
By D 04 Jan, 2021
 Dhalankoriye  waa Shabakad Arimaha Qoyska  iyo Dhalaan  ugaara  Hadii  aad  rabto in aad  Rayigaaga  nala  wadaagto Fadlan nalaga  soo Xidhiidh  info@dhalankoriye.com  Sheekadan oo Qoraala halka  ka akhriso
By dhalan koriye 27 Dec, 2020
Waxkasta ood Qarsataa Qarsooday kugu Dilaan Sheekadan waxa aad kabaranaysaa dhibaatada aad kala kumi karto markii aad dafiro Cadaw aad leeday hadana aan indhaha kalaliso
By Dhalan koriye 24 Dec, 2020
Waxa ay hooyadii dhimatay markii uu isagu ifka yimi waxa ay udhimatay Umushiisa waxa Qaatay Qoys kale aan lamidab iyo Aftoona Ahayn Sheekada Gaaban Paul-
By #Dhalankoriye 23 Dec, 2020
Taxanaha Garaad koriye iyo Sheekada Ruth- Qaybtii 2aad ee Muhiimada ay Waxbarashadu uleeday Ubardka yaryar
By #Dhalaankoirye 22 Dec, 2020
kuwoo dhawaada Qaybtii 1aad ee taxanaha Garaadkoriye iyo Sheekada Loqenzo waxa uu qayb kayahay Barmaamijyada aynu u eegayno Muhiimada ay Waxbarashadu uleeday Dhalaanka
By Dhalankoriye 20 Dec, 2020
Xidhiidhka ay Hooyada iyo Ilmuhu waxa bilawda kahor inta aanu ilmu ifka iman
By Dhalankoriye 18 Dec, 2020
Waa hubaal  in  qofkastaa guusha  jecelyay  dhamaanteena waxa aynu   kutalogalnaa in aynu guulaysanayno marka  aynu  hawl  bilaabayno  waana sababta aynu  u bilawno  hadii aynu  Guuldarada  arkayno maynaan bilawneen.
By Eid Aden Abdi 18 Dec, 2020
Fügen Sie den Text Ihres Beitrags hier ein. Klicken Sie auf den Standardtext, löschen Sie diesen und fügen Sie Ihren eigenen Text ein.
Farbe und Schriftgröße können Sie in den entsprechenden allgemeinen Einstellungen im linken Menü des Editors im Abschnitt "Design" festlegen.
Show More
Share by: